Waxaad samayn kartaa isbaddal

Donate online

Maxay Tahay Sababta loo Bixiyo Deeqda?

Maalin kasta Canada, in ka badan 3,000 dumar, oo la socda 2,500 caruur, ayaa ku noo hooyga degdegga si ay uga baxsadaan dagaalka guriga. Dagaalka loo geysto dumarka wuxuu ka dhacaa dhamaan hiddaha iyo diinta, gudaha dhamaan jinsiyadaha iyo isirada, da’ kasta, iyo heerarka dakhliga koox kasta. Waxaa kaloo si balaaran loo ogsoon yahay in dumarka soo haajiray yahiin mid ka mid ah kooxaha u nugul dagaalka guriga taasoo ugu wacan ku tiirsanaanta dhaqaalaha, waxyaabaha ku dadban luqadda, iyo la’aanta aqoonta ku saabsan ilaha bulshada.

Adeegyada Dumarka Muhaajirka Ottawa (Immigrant Women Services Ottawa) (IWSO) waa urur aan raadinin fa’iido oo jirtay laga soo bilaabo 1988, waxayna bixisaa brograamyo gaar ah oo loo baahan yahay. Sannadkii la soo dhaafay, waxaan kaalmeynay in ka badan 2,500 dumar iyo caruurtooda in ay ka wareegaan dacfi iyaga oo u wareega ammaan. Waxaa jirta baahi soo badaneysa oo loo qabo adeegyada u roon hiddaha, waqtiga loo baahan yahay iyo adeegyada mideysan ee la siiyao dumarka soo haajiray. IWSO, ujeedadena waxay tahay in tirtiro dhamaan qaababka xumaanta iyo in la xoojiyo dumarka soo haajiray si ay u gaaraan awoodooda buuxda.  Marka aan helno kaalmadaada, waxaan dumarka soo haajiray siinaa fursad ay ku gaaraan nolol fiican. Waxay ka baxsan karaan dagaalka iyo waxay dib u dhisi karaan noloshooda. Marka la helo nooca kaalmada ku habboon, talaabadaha yaryar waxay noqdaan talaabo waaweyn.

Nagu kaalmee in aan baddalno nolosha dumarka. Waad ogsoon tahay in marka dumarka soo haajiray lagu kaalmeeyo in ay ka baxsadaan dagaalka iyo saboolnimada in taasi dhalliso dhacdooyin kale. Manaafacaadka waxaa ka fa’iideysto caruurtooda, deriskooda, dhaqaalahena – bulshadena. Waad fahamsan tahay in dumarka soo haajiray aysan ahayn koox ku adeegata “danno gaar” – waxay qeyb muhiim ah ka yahiin magaaladena. Marka aad horumariso awoodda ay iskooda u istaagaan, waan ka fa’iideysan doonaa.

Mahadsanidiin dadka wax ku soo biiriyay sida adiga oo kale, waxaan awood u yeelanay in aan sii wadno shaqada lagama maarmaanka iyo gaarka ah ee aan samayno sannad kasta. Deeqda maaliyadda waxay ku kaalmeysaa IWSO in ay sii wado adeegyada tayada ee la siiyo dadka ka badbaado dagaalka guriga. Waxaan ku faraxsanahay in aan ogolaano sadaqada halka mar ama sadaqada soo noqnoqoto ee lagu bixiyo kaarka deynta Xisaab kasta – yaraan ama badnaan waa la soo dhaweyn doonaa.

Adeegyada Dumarka Soo Haajiray ee Ottawa
219 Argyle Avenue, Suite 400
Ottawa, Ontario
K2P 2H4
Telefoon: 613-729-3145
Faks: 613-729-9308