Ku saabsan

Taariikhda

IWSO waxaa la aasaasay 1988 si loola kulmo baahida muhaajiriinta iyo dumarka laga tirada badan yahay ee la aski karo kuwaaso ahaa dhibaneyaal loo geystay ku xadgudub. Horaantii waxaa lagu magacaabay Dumarka Laga Tirada Badan Yahay lana Arki Karo ee ka soo Horjeeda ku Xadgudubka (Visible Minority Women Against Abuse) (IVMWAA). Sannadkii 1989, waxaan bixinay taageerada shiddada midaysan iyo adeegyada tarjamada aan ku bixinay saddax luqad: Isbanish, Carabi, iyo Ingiriisi

Bilowga

Shirkii Guud ee la qabtay 2002, waxaa la baddalay magaca Dumarka Dadka Laga Tirada Badan Yahay ee soo Haajiray Lana Arki Karo ee ka soo Horjeeda Xumaanta, waxaana loo baddalay Adeegyada Dumarka Soo Haajiray ee Ottawa (Immigrant Women Services Ottawa). Magaca cusub wuxuu muraayad u yahay heerka balaaran ee IWSO gudaha bulshada iyo adeegyada balaaran ee la siiyo dadka ku cusub Ottawa. Maanta, wakaaladda waxay adeegyada la-tallinta iyo taageerada la siiyo dumarka iyo qoysaskooda ku bixisaa 60 luqad iyo afafka yaryar.

IWSO waa sii weynaatay waxayna ku dartay adeegyo iyo brograamyo kale, sida Adeegyada Heshiiska iyo Mideynta (Settlement and Integration Services) (sida kullamada shaqo raadinta iyo tababarka kombuyutarka) iyo adeegga la siiyo caruurta daawata dagaalka. IWSO waa ilo muhiim ah oo loogu talogalay wakaaladaha kale adeegga. Waxay qiimeyaan tababarka la socoshadena hiddaha ee loogu talogalay shaqaalaha bulshada iyo fursadda lagu helo turjubaanadena tababarka luqadda ee la heli karo si ay shaqadena ugu kaalmeyaan dadka ku cusub Ottawa.

Back

immigrant and refugee women served, 2017-2018
hours of crisis intervention, 2017-2018
Hours of direct services, 2017-2018

Himilada, Aragtida, iyo Xilka

Himilada

Adeegyada Dumarka Muhaajiriinta Ottawa (Immigrant Women Services Ottawa) (IWSO) waxay u jirtaa in ay dumarka soo haajiray ee xagjirka ah iyo qoysaskooda ku sugan Magaalada Ottawa iyo deegaanka ku wareegsan siiso taageerada iyo qalabka ay ku gaaraan awoodooda buuxda bacdamaa ay yahiin xubnaha bulshada Canada iyo ka qeybgalaan burburinta dhamaan noocyada ku xadgudubka ka soo horjeedo dumarka iyo caruurta.

l as members of Canadian society and participate in the elimination of all forms of abuse against women and children.

Aragtida

Ciribtirka dhamaan qaababka ku xad gudubka ka soo horjeedo dumarka iyo caruurta iyo gaarista sinaanta bulshada iyo dhaqaalaha ee la siiyo dumarka soo haajiray iyo fogaaday.

Xilka

Si loo xoojiyo dumarka muhaajiriinta iyo kuwa xag jirka ee Magaalada Ottawa in ay ka qeybgalaan burburinta dhamaan qaababka ku xadgudubka ka soo horjeedo dumarka.

Si loo bixiyo adeegga la-tallinta shiddada hiddaha iyo adeegga tarjamada luqadda ee fududeyn doonto sida dumarka lagu xadgudbay ula xariirto adeegyada bulshada iyo tan dadweynaha.

Si loo bixiyo adeegyo iyo/ama brograamyo kale oo kaalmeyn doono dumarka muhaajiriinta safarka ay ku jiraan si ay u helaan awoodooda buuxda.

Back

Dhismaha

IWSO waa urur aan fa’iido raadinin oo ka hawlgala Magaalada Ottawa. Nambarka diiwaangelinta sadaqada waa 131976581RR0001. Xubnaha IWSO waxay Shirka Guud Sannadka ku doorteen 15-xubin oo ka tirsan Guddiga Agaasimeyaasha. Guudiga wuxuu bixiyaa dilmaamaha siyaasadda iyo adeegga. Hawlgalada maalinba-maalin waxaa maamula Agaasimaha Fullinta (Executive Director) iyagoo kaashada koox ka mid ah shaqaalaha iyo kuwo ku shaqeeyo iskaa wax u qabso.

Back

Caqiidada, Qaayaha, iyo Siyaasadaha

IWSO waxaan aaminsanahay in:

  • Dagaalka ka maqan qofka noloshiisa waa xaq aasaasi ah uu aadanaha leeyahay. Xaqaan aadanaha waxaa la gaari doonaa bacdamaa ay qeyb ka tahay ujeedadena balaaran ee sinaanta bulshada iyo dhaqaalaha ee u dhexeysa ragga iyo dumarka iyo burburinta dhamaan cadaadiska ka soo horjeedo dumarka.
  • Ololaha dumarka wuxuu ku sii socdaa sida eray iyo sida dhaqdhaqaaq. IWSO waxay ololaha dumarka u aragtaa sida dhaqdhaqaaq uu qof kasta ka tirsanaan karo oo ujeedadeedu tahay sinaanta bulshada iyo dhaqaalaha iyo burburinta dhamaan qaababka cadaadiska.
  • Dagaalka ka soo horjeedo dumarka iyo caruurta waa in uu dhamaado. Bulshada waxaa ku yaraan doono dagaalka marka dagaalka uu bulsho ahaan noqdo wax aan la ogolaan karin. Sababtaan awgeed, IWSO waxay raadisaa in ay baddasho dabeecadda dagaalka, jinsiga, iyo kantaroolka bulshada.
  • Dumarka iyo caruurtooda waxay xaq u leeyahiin in la nabad geliyo. Waxaan xushmeynaa iyo waxaan soo dhaweynaa sida nolosha dumarka u dhisan tahay iyo waxyaabaha kala duwan ay dumarka doortaan si ay ula qabsadaan dagaalka noloshooda.
  • Si loo kaalmeeyo dumarka iyo caruurtooda ku sugan xaaladaha dagaalka, shaqadena waa in aan xoogga saarno baahida ay u qabaan ammaanka degdegga. Waxaan kaloo ka hadalnaa arrimo kale (tusaale ku tiirsanaanta dhaqaalaha, qadari la’aanta qofka naftiisa, iwm.) oo dhalliya dagaalka loo geysto dumarka.
  • Guud ahaan, ISWO waxaa xisaabiya bulshada, iyo gaar ahaan dumarka xagjirka, in ay ku adkeysato mabaadiidena, gaargo natiijadaha aan u qabano shaqadena iyo hawlgelinta wakaaladda hab maaliyad ahaan mas’uul ah.
  • IWSO waxay fududeysaa qeybsiga aqoonta iyo waayaha dumarka muhaajirka iyo xagjirka, iyo waxay ku biirisaa horumarinta Canada oo ah qarana ka dhexeeyo dadyowga.
  • IWSO waxay ballan qaaday in ay gaarto hawsha loo diray iyadoo iskaashi la samaysa ururada kale ee bulshada. Hay’adaha bulshada waa in la habeeyo si ay u ilaaliyaan xushmadda iyo ka qeybgelinta dumarka laga tirada badan yahay lana arki karo ee soo haajiray.
  • Muhaajir kasta iyo dumar kasta oo fogaato waxay wax ku biirisaa bulshada Canada.
  • Kor u qaadidda la socoshada arrimaha saameeya dumarka soo haajiray iyo kuwa xag jirka waa mid ka mid ah qalabka ay IWSO isticmaasho si ay u fududeyso isbaddalka.
  • Isir raaca waa qaab kale oo dagaal oo dumarka u diido meesha ay kaga habboon yahiin bulshada iyo fursadaha ay ku noqdaan dadka naftooda u taagan. IWSO waxay ballan qaaday in ay ka hor timaado dhamaan qaababka cadaadiska loo geysto dumarka.

Back

Hoosta caqiidooyinka, waxyaabaha qaayaha noo leh waxay sifeyaan cidda aan nahay iyo waxaan nufuud ku leenahay sida aan u shaqeyno urur ahaan.

Xisaabtanka:  Waxaan qaadanaa mas’uuliyadda go’aanka wakaaladda qaadato heer kasta.

Kala duwanaanta:  Waxaan xil iska saarnay shaqaale kala duwan iyo waxaan hubsanaa in kala duwanaantena la qiimeeyo lana xushmeeyo.

Heerka Sare: Waxaan ku dadaalnaa in aan fullino dhaqamada fiican ee la xariira adeegyadena, brograamyadena, iyo dhamaan hawlahena.

Hoggaanimo: Waxaan ka shaqeynaa in aan nufuud ku yeelano siyaasadda dadweynaha iyo in aan bulshada la qeybsano kaalinta muhiimka ah ee dumarka soo haajiray si qaab loogu sameeyo bulshadena.

Xoojinta:  Waxaan bixinaa taageerada iyo qalabka si loo suurtogeliyo koriimada iyo waxbarashada inta qofka nool yahay ee dumarka soo haajiray.

IWSO waxay taageerada maaliyadda ka qaadataa wakaaladaha maaliyadda.  La’aanta taageeradaan, shaqadena ma suurtogeli lahayn.

Back

Xubinimada

Waxaad noqotaa Xubinta IWSO

Xubinimada waxay u furan tahay dhamaan dumarka taageera ujeedooyinka IWSO oo dhamaystira iyo saxiixa foomka xubinimada. Xubinimada laguma wareejin karo qof kale.

Fadlan soo dagso iyo buuxi Foomka Xubinimada (Membership-Form) kaddibna ku soo celi email adiga oo u soo dira infomail@iwso.ca 

Haddii kale, waxaad Xubinimada ka dalban halkaan Internetka.

  • In kor loo qaado garashada dumarka soo haajiray ee xagjirka ah loona geystay xad gudubka, si loogu suurtogeliyo in ay ka baxaan gooni joogga loona doodo.
  • In la gaarsiiyo la-tallinta shiddada iyo adeegga taageerada la siiyo dumarka lagu xad gudbo.
  • In la bixiyo adeegga tarjamada luqadda si loo kaalmeeyo dumarka soo haajiray si ay u helaan adeegyada buuxa ee bulshada iyo dadweynaha.
  • In la bixiyo adeegyada kale iyo/ama brograamyada kaalmeyn doono dumarka soo haajiray ee ku sugan safarkooda si ay u helaan awood buuxda.
  • In tababarka dareenka la siiyo bixiyeyaasha adeegga iyo wakaaladaha xagga baahida ay qabaan dumarka soo haajiray si loo hubiyo in adeegyada jira la heli karo iyo in ay ku habboon yahiin dumarka soo haajiray iyo qoysaskooda.
  • In lala shaqeeyo muhaajiriinta iyo bulshadaha kale xagga barashada ku saabsan dagaalka ka soo horjeedo dumarka iyo in la dhiirigeliyo lana taageero iyaga in ay qaataan mas’uuliyadda ka saaran waxbarashada sii socota ee ku saabsan arrintaan.
  • In la dhiso hiilada ka dhexeyso dumarka laguna dhiirigeliyo in ay talaabo wadajir ka qaadaan dhamaystirka dagaalka ka soo horjeedo dumarka.
  • In lala shaqeeyo ururada deegaanka, qaranka, iyo caalamka ee qaba ujeedada in la soo afjaro dagaalka ka soo horjeedo dumarka.
  •  

Back

  • Xubinimada waxay dhici doontaa Shirka Guud Sannadka ee xiga.
  • In joogto warar looga helo IWSO
  • In laga qeybgalo dhamaan shirarka xubinimada
  • In la doorto xubnaha guddiga Shirka Guud ee Sannadka (Annual General Metting)
  • In heerka guddiga looga shaqeeyo arrimaha khaaska
  • In laga qeybgalo munaasabadaha khaaska
  • Resiidyada canshuurta ee la xariiro deeqda $20.00 ama ka badan

Back

Maalgeliyeyaasha iyo taageereyaasha

Waxaan u mahad celineynaa naxariista kuwa taageeray shaqadena 27 sanno ee la soo dhaafay, saddaqadiina iyo waqtiga aad geliseen, ha ahaato awoodda socoto ama munaasabadda ama hawsha socota. Waxaa ka mid ah balse kuma eka kuwa soo socdo:

  • Jill Macleod & Associates
  • Kaniisadda Ilaaha (Church of God) Sabbath Keeping, Ottawa
  • PayPal (aqoonsi inta ay socoto maalinta dumarka caalamiga ee 8da Maarso…)
  • Kaalmada Canada (Canada Helps) (loo aqoonsaday IWSO xagga Ololaha Maalinta Dumarka Caalamiga) (International Women’s Day Campaign)
  • Divertimento Orchestra (qaaraanka riwaayadda muusikada)
  • Goss Gilroy Inc.
  • Mu’asasada George Lunan
  • Mu’asasada Qoyska Turnbull
  • Starbucks
  • Novosbed

Back

Warbixinta Sannadka

Marka la kaashado shaqaale kala duwan iyo brograamyo kala duwan, adeegyada iyo hawlaha, IWSO waxay kaalmeysay dumar badan oo soo haajiray iyo caruurtooda si isbaddal wanaagsan loogu abuuro noloshooda. Waxaan ku faraxsanahay in aan adiga kula qeybsano Warbixinta Sannadka.

Back

Warbixinta Sannadka 2020 – 2021 

Warbixinta Sannadka 2019 – 2020 

Warbixinta Sannadka 2018 – 2019

Warbixinta Sannadka 2017 – 2018

Warbixinta Sannadka 2016 – 2017

Warbixinta Sannadka 2015 – 2016

Warbixinta Sannadka 2014 – 2015

Adeegyada Dumarka Soo Haajiray ee Ottawa
219 Argyle Avenue, Suite 400
Ottawa, Ontario
K2P 2H4
Telefoon: 613-729-3145
Faks: 613-729-9308

Annual Report 2022 – 2023 

Annual Report 2020 – 2021 

Annual Report 2019 – 2020 

Annual Report 2018 – 2019

Annual Report 2017 – 2018

Annual Report 2016 – 2017

Annual Report 2015 – 2016

Annual Report 2014 – 2015