Adeegyada Heshiiska iyo Mideynta

Ma tahay qof ku cusub Canada? Waxaa jira adeegyo badan uu ay ku siin karaan Adeegyada Heshiiska iyo Mideynta ee IWSO (IWSO’s Settlement & Integration Services). Sannad kasta, IWSO waxay kaalmeysaa tiro xoogaa roon oo ah dumarka iyo qoysaskooda in ay ku daggaan noloshooda cusub iyagoo ku kaalmeeya in ay yeeshaan dareen ka tirsanaan. Adeegyada Dumarka Muhaajirka Ottawa (Immigrant Women Services Ottawa) waxay fahamsan tahay taxadiga ay la kulmaan dumarka muhaajirka iyaga oo raba in ay la qabsadaan noloshooda cusub Canada. Waxaan xoogga saarnaa in aan bixino macluumaad ku kooban qofka, hoggaamin, iyo adeegyada taageerada ee si taxadir loo samayay si loola kulmo baahida kala duwan ee dumarka xagjirka ee soo haajiray iyo qoysaskooda. Adeegyadaan waxay u furan yahiin dumarka cusub ee sida joogtada u daggan, qaxootiga la aqoonsaday, iyo bixiyeyaasha daryeelka lala nool yahay. Waxaan bixinaa wargelin muhiim ah, macluumaad, iyo tixraacin aan siino dadka ku cusub Canada. Waxaan bixinaa taageerada la-tallinta hal-ilaa-hal, kaalmo sida loo helo adeegyada iyo brograamyada, tixraacinta, iyo kullamada macluumaadka kooxda oo ku saabsan mowduucyo kala duwan ee la xariira caafimaadka, guriyeynta, waxbarashada, shaqada, sharciga Canada, canshuurta dakhliga, Manaafacaadka Canshuurta Cunugga, hijrada, iyo kaalmada bulshada. Waxaan kaloo kaalmeyn karnaa dumarka cusub xagga gubinta foomamka kala duwan sida OHIP, Manaafacaadka Canshuurta Cunugga, shahaadooyinka dhallashada, iwm.

Maxay sameyaan La-Talliyeyaashena Heshiiska (Settlement Counsellors)?

Our Settlement Counsellors can help connect you to the right informatioLa talliyeyaashena Heshiiska (Settlement Counsellors) waxay kugu kaalmeyn karaan in aad la xariirto macluumaadka saxsan, brograamyada, ama adeegyada la xariira si:n, programs, or services related to:

Yaa Xaq u Leh?

  • Qaxootiga Shirka
  • Dagganeyaaha Joogtada ah
  • Qaxootiga ay Dawladda Kafaalo Qaaday
  • Bixiyeyaasha Daryeelka Ku Noolow (Live-In Caregivers)
    • Wargelinta Ottawa
    • Muhaajirnimada (waddaniyadda, dagganaashada joogtada iyo arjiyada kafaalo qaadidda)
    • Fasalada tababarka luqadda iyo aqoonta kombuyutarka
    • Waxbarashada (dugsiyada, kulliyadaha iyo jaamacadaha)
    • Brograamyada Bulshada (hawlaha ay qabtaan caruurta iyo dadka waaqeyn)
    • Taageerada Dakhliga (Ontario Works iyo Brograamyada Itaal Darrida Ontario)
    • Xanaanada cunugga iyo Adeegyada Qoyska
    • Helitaanka Ilaha Caafimaadka iyo Daryeelka Daweynta (dalabka kaarka OHIP iyo helitaanka takhtarka qoyska)
    • Helitaanka guryaha la awoodo
    • Adeegyada sharciga kana mid ah tixraacinta
    • Waxay kaloo adiga ku siiyaan macluumaad ku saabsan:
      • Midaynta lagu guuleysto (horudhaca hiddaha, taariikhda iyo qaayaha Canada)
      • Xuquuqda aad leedahay iyo mas’uuliyadda kaa saaran bacdamaa aad tahay qof cusub oo daggan Canada
      • Diyaarinta canshuur dakhliga… iyo in kale oo badan…

    Luqadaha aad ku hadashid: Ingiriisi, Fransiis, Carabi, Swahili, Kinyarwanda, Kirundi

    Turjubaanada ku hadla luqadaha kale waxaa la siin doonaa 48 saac oo ogeysiis ah.

    Waaxda Heshiiska iyo Mideynta waxaa kaloo laga helaa brograamyo kala duwan oo la xariira dumarka sida:

    Adeegyada Shaqada la siiyo Dumarka soo Haajiray

    Brograamka Tababarka Lacag La’aanta Kombuyutarka

    Adeegyada Xanaanada Cunugga

    Hawlaha todobaadka kana mid ah: Ku Wada Hadalka Ingiriisiga, Ku Wada Hadalka Fransiiska, Fanka iyo Far Shaxanka, Fasalada Yoga ee loogu taloglay Dumarka, Tolidda, Diyaarinta Imtixaanka Jinsiyadda.

Adeegyada Dumarka Soo Haajiray ee Ottawa
219 Argyle Avenue, Suite 400
Ottawa, Ontario
K2P 2H4
Telefoon: 613-729-3145
Faks: 613-729-9308