Adeegyada Tarjamada Afka iyo Tarjamada Qoraalka

Adeegyada Tarjamada Afka iyo Tarjamada Qoraalka (Language Interpretation and Translation Services) (LIS) waa qeyb ka tirsan Adeegyada Dumarka Soo Haajiray ee Ottawa (Immigrant Women Services Ottawa). LIS waxay kaalmo ka geysataa sida meesha looga saaro dadbaneyaasha luqadda tayada heerka sare, dhakhso, la awoodo lana siiyo wakaaladaha u adeego macaamiisha ku hadasha luqadaha badan ee ku hadla Ingiriisi kooban iyo/ama aqoonta luqada Fransiiska.

Adeegyadena waxaa ka mid ah tarjamada luqadda aan ku hadalno oo ah in ka badan 70 luqadood goobta ama telefoonka, iyo sidoo kale tarjamada qoran.

Adeegyada luqadda lagu hadlo waa LACAG LA’AAN marka lagu dhex jiro xaaladaha ku lugta leh dadka ka badbaaday dagaalka guriga, dagaalka jinsiga, iyo ku xadgudubka waayeelka. Bixiyeyaasha adeegga ee la shaqeeyo kuwa ka yimaado xeryaha qaxootiga halkaas oo laga caddeeyay in ay yahiin dad ka badbaaday dagaalka iyo xanuunka (macnaha kufsiga, weerarka jinsiga, iyo dagaalka guriga) iyo joogay Canada muddo ka yar sannad, waxay kaloo la xariiri karaan adeeggaan.

Laga bilaabo 1990, waxaan u adeegnay ururada dawladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo wakaaladaha aan fa’iidada raadinin ee gobolka Bari. Gobolkaan wuxuu ka bilowdaa Belleville ilaa Cornwall, waxaana ka mid ah magaalooyinka/deegaanada/tuulooyinka. Almonte, Arnprior, Carleton Place, Cornwall, Dagmada Lanark, L’Originale, Ottawa, Pakenham, Pembroke, Perth, Smith Falls, iyo Kingston.

Waxaan kaloo adeeg siinaa Siistemyada Maxkamadda Dagaalka Guriga (Domestic Violence Court Systems), Adeegyada Shiddada Dhibanaha (Victim Crisis Services) ee Ottawa iyo Valley. Xilka aan iska saarnay bulshada waxay hubisaa in aan ku siino adeegga heerka sare ee macaamilka lagu siiyo sicir ku wanaagsan tartanka 24 saac maalintii, 7 maalin todobaadkii, sannadka oo idil.

Adeegyada Dumarka Soo Haajiray ee Ottawa
219 Argyle Avenue, Suite 400
Ottawa, Ontario
K2P 2H4
Telefoon: 613-729-3145
Faks: 613-729-9308