You are currently viewing SAHAMINTA/RAYI-URURINTA LOOGU TALAGALAY HAWEENKA SOOGALOOTIGA AH IYO KUWA LA HAYBSOOCO

SAHAMINTA/RAYI-URURINTA LOOGU TALAGALAY HAWEENKA SOOGALOOTIGA AH IYO KUWA LA HAYBSOOCO

  • Post category:Wararka IWSO
  • Reading time:2 mins read

FAHAMKA XIRIIRKA KA DHEXEEYA BADBAADAYAASHA IYO ADEEGGA BOOLIISKA OTTAWA

IWSO waxay kugu casumaysaa inaad ka qayb qaadato sahan ama rayi-ururin haddii aad tahay qof jira ugu yaraan 18 sano jir oo aad tahay soogalooti ama haween la takooray taasoo la kulantay xadgudub, gacan ka hadal, ama habdhaqan xukun oo uu kugu sameeyay lammaane ama xubin qoyska ka tirsan. Sahanka ama rayi-ururinta waxaa lagu soo qoray ilaa 7 luqadood oo waxayna qaadanaysaa dhawr daqiiqo oo kaliya inaad ku dahammayso.

Fadlan guji xiriiriyaha (link) boostarka hoose ku yaala si aad u buuxiso sahanka ama rayi-ururinta.

Waad soo dejisan kartaa haddii aad rabto oo aad ka buuxiso rayi ururinta xiriiriyaha hoose oo iimeel ahaan dib ugu soo celi halkan infomail@immigrantwomenservices.com

Immigrant Women Services Ottawa
219 Argyle Avenue, Suite 400
Ottawa, Ontario
K2P 2H4
Tel: 613-729-3145
Fax: 613-729-9308